Raysal Wasaare Xamse “Sanadaha dhaw waxaan rabnaa in 50% miisaaniyadda dalka ka timaado Kaluumeysiga”

Arbaco, Luulyo, 3, 2024 (AX) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kaluumeysiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ka buuxa Badda.
Raysal wasaare Xamse ayaa sido kale sheegay in Xukuumadiisa ay qorsheyneyso sanadaha so socda in miisaaniyadda dalka 50% iney ka timado Kaluumeysiga, isagoonaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney xoogga saaraan ka faa’iideysiga Kaluumeysiga oo wax weyn ka badelaysa dhaqaalaha dalka.
“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed iney maalgelin ku sameeystaan kaluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, dowladdu waxay xoogga saari doonta sidii loo dhisi lahaa kaabayaashii muhiimka ahaa ee dalka, gaar ahaan dekedo iyo waddooyin isku xira xeebaha Soomaaliya” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga qaban qaabada shirkaan, wuxuuna xusay in Xukuumadiisa ay ka shaqneyso sidii loo heli lahaa Tamar awood leh oo qiimo jaban, si uu u fududaado maalgashiga.
Ugu dambeyntii Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dalkooda ay ka difaacdaan cadaw walba oo isku soo daya inuu qaato taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More