Raysal Wasaare Xamse ”Itoobiya Bad uma socota waxay rabtaa dhul ay qaadato

 
Arbaco, Luulyo, 3, 2024 (AX) – Raysal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, dowladda Ethiopia inay raadinayso taariikh qaldan oo ujeedkeedu yahay dhul raadis.
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay, Ethiopia in aysan u socon Bad iyo maalgashi ay ka sameysato dekedaha Soomaaliya, balse ay doonayso inay qaadato qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.
“Ujeedka Ethiopia waa inay saldhig milatari ka sameysato badda cas si ay dalka u qaadato. Annaga mowqifkeenna waa cad yahay. Kenya ayaan isla tagnay, waan u sheegnay in aanan gorgortan ka galayn baddeena, Turkiga ayay nala aadeen haddana waan u sheegnay in aanan marnaba diyaar u ahayn wada hadal kasta oo taabanaya madax bannaanideenna,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.
Xamse, ayaa u sheegay Ethiopia in loo baahan yahay in ay isi saxdo., iskana ilaawaan taariikh been ah oo ay doonayso inay kusoo fara galiso dhulka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay haddii taariikh hore lasoo faag faago in Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee xisaab uga maqan tahay Ethiopia.
Raysal wasaaruhu waxa uu sheegay wada hadal kaste oo aan taabanayn arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia, in ay soo dhoweynayaan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More