Hogaamiye Xasan Sheekh “Waxaan diyaarinay baahiyaha muhiimka u ah dhameystirka dagaalka Argagixisada”

 
Arbaco, Luulyo, 3, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulan kula qaatay waxgaradka deegaankaas.
Hogaamiyaha ayaa deegaankaan u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa Odayaasha deegaankaas kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahayeen dagaalka Al-shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wuxuu sidoo kale sheegay Hogaamiye Xasan Sheekh in dowladda Fedaraalka ay diyaarisay  qalabka, gaadiidka, xarumaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa howlgalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.
“Hogaamiyaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Aqalka Soomaaliya.
Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo maalintii labaad deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaysa, iyadoo bilahii lasoo dhaafay uu hakad ku jiray dardartii uu ku socday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo sanadkii lasoo dhaafay ahaa mid ku socday si xoog leh, islamarkaana kooxda Al-shabaab looga xureeyay howlgaladaas dhul baaxad leh.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More