Browsing Tag

Hayadda

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo Maanta sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis

 Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa maanta isbadal ku sameeyay hogaanka NISA ee gobolka Banaadir.Taliye Sanbaloolshe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyahii hay'adda Nabadsugida ee gobolka Banaadir Muxidiin Warbac, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdifataax Ibraahim Shaaweeye oo mar soo noqday ku xigeenka hay'adda NISA.Agaasime Sanbaloolshe ayaa sidoo kale Muxidiin Warbac u magacaabay Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda…

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo digniin kasoo saartay duufaan culus oo kusoo wajahan degaanada xeebaha

 Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray 𝗟𝗮𝗹𝘆, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur hantiyeed. Waxay hay’addu si gaar ah walaac uga muujisay degaanada xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan…

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Baledweyn ka bilaabay kulamo ka dhan ah kooxda Al-shabaab

Axad, May, 12, 2024 (AX) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.Taliyaha ayaa gudaha magaalada Baledweyne kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgaradka gobolkaas iyo qeybaha kala duwan ee dadka reer Baledweyne.Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay xaalada guud ee amniga gobolka…

Xukumadda Soomaaliya oo sii daysay dad loo xiray dilka masuul katirsanaa hay’adda duulista hawada

 Axad, April, 5, 2024 (AX) - Hay'adda danbi baarista ee CID-da Soomaaliya ayaa dambi ku weyday oo siidaysay 10 eedaysane oo loo haystay dilkii C/naasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable), oo ahaa mas’uul katirsanaa hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya. Baaritaan ay iska kaashadeen Khubarada dambi baarista Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka helayay sheybaarka dambi baarista ee booliska Turkiga, ayaa daaha ka qaaday in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya eedeysanayaasha lasii daayay iyo dembiga dilka ah ee loo haystay.Qoysaska…

Hogaamiye Xasan Sheekh oo Madaxtooyada dalka ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka dalka Turkiga

Arbaco, May, 1, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay  Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalka Turkiga Ibrahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.Kulankaan ka dhacay Madaxtooyada dalka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.Hogaamiye Xasan Sheekh iyo Ibrahim Kalin ayaa ka wada hadalay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga…

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka la dhigto

Sabti, April, 27, 2024 (AX) - Taliyaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada kusoo noqnoqday xadka gobolada Hiiraan iyo  Shabeellaha dhexe iyo isbaarooyinka la dhigto.Taliyaha hay’adda Nabadsugida ayaa ugu horeyn ka hadlay dagaal beeleedyada soo laablaabtay, isagoo nasiib daro weyn ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega labadaas gobol.“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah…

Hay’adda SODMA oo digniin culus kasoo saartay roobab xoogan oo dalka ka da’i doona Isbuucaan gudahiisa

Talaado, April, 23, 2024 (AX) - Iyadoo roobabka Guga ay ka curteen inta badan gobolada dalka ayaa hadana, hay'adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxay soo saartay digniino ku aadan roobab xoogan oo dhamaadka bishaan ka da'aya gobolada dalka. Hay'adda ayaa tilmaamtay in roobabka la filayo todobaadkaan iney ka da'aan gobolada dalka iney sameyn karaan daadad iyo fatahaado saameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyadaba. SODMA ayaa si gaar ah ugu digtay dadka ku nool agagaarka wabiyada…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More