Browsing Tag

muhiim

Dagaal beeleedkii degmada Luuq oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

 Jimco, Luulyo, 12, 2024 (AX) - Guddiga xal u helista dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa soo saaray qodobo la xariira xal u helista dagaaladii dhiiga badan uu ku daatay ee degmada Luuq ku dhexmaray todobaadkii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.Xubnaha Guggiga oo ay horkacayaan Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed iyo waxgarad kale oo maalmahaan ku sugnaa…

Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah

 Khamiis, Luulyo, 11, 2024 (AX) - Xukumaddaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta dalka Jabuuti ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu mataaneynayo wadashaqeynta warbaahinada Qaranka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, boostada iyo Isgaarsiinya ee dalka Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu saxiixayay heshiiskaan iskaashi ee dhexmaray labada dowladood.Wasiir Daa'uud Aweys oo Munaasabadda…

Ciidamada dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

 Axad, Luulyo, 7, 2024 (AX) - Askarta xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay Tuulada Filfile oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.Tuuladaan lagu magacaabo Filfile oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ayaa la sheegay in kooxda Al-shabaab u aheyd goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah oo ay kooxdu ugu yeerto Sakawaadka.Saraakiisha hogaaminaysa ciidankaan ayaa warbaahinta u sheegay iney sii…

Hogaamiye Xasan Sheekh oo Maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah

 Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha wadatashiga ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, kaasoo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khubarada dhaqaalaha, Safiirro iyo Wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ugu jira ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka…

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan muhiim ah iyo Raysal wasaare Xamse oo bogaadiyay

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan  Al-shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland.“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada,…

Kuuriyada Koonfureed oo balan qaad muhiim ah u sameeysay Soomaaliya

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seol ee Caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed dhigiisa dalkaas Han Duck-soo.Raysal wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfiureed ayaa kulankooda kaga wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.Labada Raysal wasaare ayaa isla meel dhigay muhiimada ay leedahay in…

Raysal wasaare Xamse oo magaalada Seol uga qeybgalay shir muhiim ah oo ka furmay

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Seol ee dalka Koonfur Kuuriya uga qeyb galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo goordhaw si rasmi ah u furmay.Shir madaxeedkaan u furmay Kuuriyada Koonfureed iyo madaxda Afrika ayaa socon doono mudo laba maalmood ah, kaasoo dhinacyada ay diiradda ku saari doonaan xiriirka soo jireynka ahaa ee ka dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika.Laba dhinac waxay sidoo kale ka…

Hogaamiye Biixi oo sheegay in heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya uu muhiim u yahay amaanka Badda Cas

 Isniin,  May, 27, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska ay xukuumadiisu saldhiga badda kaga kiraynayso Itoobiya uu horseedi doono in xal loo helo xaalada amaan daro ee kasoo cusboonaatay Badda Cas.Biixi oo waraysi siiyay wargayska Financial Times ayaa sheegay in heshiisku uu Gobaladda Waqooyi u ogolaanayo in ay gacan ka gaysato ilaalinta amaanka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, oo ay dhawaan khalkhalgaliyeen kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen oo gacan ka helaya waddanka…

Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi

 Talaado, May, 7, 2024 (AX) - Xukumaddaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galinkii dambe ee Shalay ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is afgarad oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha Dibada, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.Heshiiskaan oo ahaa is afgarad dhexmaray laba dowladood ayaa waxaa u kala saxiixay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Axmed Macallin Fiqi iyo Musalia Mudavadi, waxaana heshiisyadaan ay yihiin kuwa kor loogu…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Kenya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Kenya Axad, April, 28, 2024 (AX) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA.Shirkaan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika ayaa ahaa mid looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika si uu u maalgaliyo Bangiga Adduunka.Qodobada ay kasoo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More