Hogaamiye Deni: Nama quseeyaan dhowr qof go’aanno ay soo saaraan

 
Sabti, May, 18, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay go’aamada kasoo baxay shirkii Golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, in aanu ahayn wax quseeya Waqooyi Bari.
Hogaamiye Deni oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay, in shirarka aan loo dhamayn aan lagu raadin karin maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
“Dhowr qof go’aanno ay soo saaraan oo aan runtii ka turjumayn bulshada dareenkeeda, waqtiga ayay sii dilaysaa. Waxaan rajeynayaa inuu caqligu taliyo. Waxaan rajeynayaa dadkani inay si sax ah u abbaaraan xaaladaha murugsan ee dalka ka jira,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Deni wuxuu sheegay, ammaan darrada ka jirta meelo badan oo Soomaaliya kamid ah, iyo kala aragti duwaanshaha dadka Soomaaliyeed inuu gaaray meel aad u sarraysa. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada dadka.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa imaanaya, iyadoo shalay Muqdisho lagusoo gabagabeeyay shirkii golaha wadatashiga, iyadoo aan lagu gaarin wax heshiis ah, marka laga reebo in la isku afgartay in lasoo xoojiyo dhameystirka qodobada ka harsan dib u eegista dastuurka iyo dagaalka Alshabaab.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More