“Uma Malaynayn In Chiesa Uu Sidaa U Wanaagsan Yahay…” – Buffon Oo La
Gianluigi Buffon ayaa qirtay in uu la yaabay wacdarihii uu Federico Chiesa ka dhigay tartanka qaramada Yurub, isla markaana aanu markii hore u haysanin in uu yahay ciyaartoy sidaas u wanaagsan.Chiesa oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa ka mid ahaa xiddigihii Talyaaniga ee ku guuleystay Euro 2020, waxaanu bandhig fiican ka sameeyey kulamadii uu ciyaaray oo dhan, isagoo ciyaartii u dambaysay ee finalkii ee Wembley ahaa khatartii u weynayd ee ay Ingiriisku waajahayeen.Gianluigi Buffon oo xagaagan ka tegay Juventus, kuna laabtay…