Liverpool Oo Ku Dhawaaqaysa Saxeexyada LIX Ciyaaryahanadda, Roberto
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo lix saxeex oo ay waqtiga ugu kordhinayso xiddigaheeda waaweyn maalin kaddib markii uu Trent Alexander-Arnold qalinka ku duugay qandaraas cusub oo shan sannadood ah.
Alexander-Arnold oo 22 jir ah, ayaa waxa uu xaqiijiyey mustaqbalkiisa Anfield ee illaa sannadka 2025, waxaana inkasta oo aanay kooxdu si rasmi ah u shaacin haddana ay warbaahinta Ingiriisku sheegayaan in uu da’yarkani ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mushaharka badan Anfield.
Wargeyska…