Muxuu Sameeyey N’Golo Kante Kaddib Dhaawacii Lagaga Saaray Garoonka,
Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa uu walaac soo food-saaray kaddib markii uu xalay dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante oo ka baxay garoonka qaybtii hore.Dhaawaca N’Golo Kante ayaa imanaya 10 maalmood ka hor ciyaarta finalka Champions League ee Chelsea iyo Manchester Metropolis, taas oo Tuchel ay adag tahay in uu ka maarmi karo laacibkan haddii uu ka maqnaado ciyaaartaas.Wali waa waqti hore oo Chelsea baadhitaan buuxa kumay samaynin dhaawaca N’Golo Kante, laakiin tilmaamihii laga arkay markii uu…