Halyey Tony Adams Oo Kula Taliyey Mikel Arteta Inuu Beddelo
Halyeygii Arsenal ee Tony Adams ayaa usoo jeediyey tababaraha kooxdaas ee Mikel Arteta inuu isbeddel ku sameeyo shaxdiisa kaddib guul-darradii ay shalay kala soo laabteen Manchester City oo ay ugu tageen Etihad Stadium.Tony Adams ayaa dhalleecayn u jeediyey hab-difaacista laacibka reer Spain ee Hector Bellerin kulankii City ee shalay.Mikel Arteta ayaa ku ciyaaray shax ka koobnayd 3-4-3 oo uu awoodda saaray khadka dhexe, laakiin Adams ayaa rumaysan in Thomas Partey oo khadka dhexe ka ciyaari lahaa uu wax badan ka qaban lahaa…