Wafdi ka socda ICC oo Sudan u tagay la wareegista Kiiska

Waddanka Suudaan waxaa tagay wafdi ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loosoo gaabiyo ICC si ay ula soo wareegaan kiis dacweedka loo heysto Madaxweynihii ugu xil heynta dheeraa Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir.

- Advertisement -

Waxa ay la kulmeen hogaamiyayaasha Golaha KMG ah ee Suudaan si ay u suuragasho wareejinta kiis dacweedka loo heysto Al-Bashiir ee la xiriira in uu geystay dambiyo ka dhan ah Aadanaha muddada uu xafiiska joogay.

Maxkamadda ayaa dhowr jeer warqad soo qabasho ah u jartay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, balse waa ay ku hungoobeen, maadaama safarada uu dalkaas uga baxayay uu aad u xadiday, balse mar ayuu halis galay in la qabto bartamihii June 2015-kii oo uu ku sugnaa dalka Koofur Afrika.

ICC ayaa Koofur Afrika waqtigaas ka dalbatay in ay xirto si looga gooyo dambiyada uu ku eedeysan yahay, balse waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay xukuumaddii talada heysay oo sheegtay in ay casuumtay oo ay cayb ku tahay gacangelintiisa.

Al-Bashiir ayaa ku jira Gacanta Militariga oo nidaamkiisa afgambiyay, kadib markii dibadbax ka bilawday isbadalka qiimaha Rootiga oo xoogeystay, waxaana markii dambe uu isku badalay kacdoon ka dhan ah oo lagu dalbanayay in uu xilka ka dego.

Wafuudda ka socota maxkamadda ICC ee hada ku sugan magaalada Khartuum waxaa kamid ah dacwad oogaha maxkamaddaasi Fatou Bensouda, qorshaha ayaa ah in loo ogolaado wareejinta dacwaddaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qiyaastii 300,000 oo qof lagu dilay dagaalada Suudaan, kuwaa oo billowday kaddib kacdoon ka dhacay Daarfuur sanadkii 2003-tii, Dowladda ayaa lagu eedeynayaa in ay si bareer ah u dishay shaqsiyaadka qaar.

Maxkamadda ICC-da ayaa sidoo kale laba sarkaal oo hore oo kala ah Axmed Haaruun iyo Cabdulraxiim Maxamed Xuseen, ku eedeysay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, kuwaa oo la sheegay in ay ka geysteen isla gobolkaasi Daarfuur.

Al-Bashiir oo 76 jir ah ayaa sannadkii hore xilka laga tuuray kaddib mudaaharaadyo waawayn oo dalkaasi ka dhacay, isbadalka ku yimid nidaamkii talada hayay intii u dhaxeysay 30 June 1989-kii ilaa 11 April 2019-kii.

Axadle

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More