Waxa Uu Camp Nou Meel Ku Saaray Messi, Xavi Iyo Iniesta
Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa xog cajiib ah kasoo diiwaan gashaday kulankii ay kooxdiisu shalay guusha muhiimka ah kasoo gaadhay dhigeeda Barcelona ciyaar ka tirsanayd horyaalka La Liga.Xogta layaabka leh ee uu Benzema soo sameeyay ayaa ah mid uu kaga gacan sarreeyo halyeeyada waaweyn ee Barcelona ee Lionel Messi oo kabtanka hadda ah iyo Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez oo aan sharaxaad badan u baahnayn si fiicana loo garanayo.Xogtaas ayaa ah inuu Benzema haatan yahay ciyaaryahanka kulan El-Clasico…