MA HUBTAA? Xiddig Magac Weyn Ku Leh England Oo Cristiano
Kabtanka kooxda heerka labaad uga dhacday Premier League ee Watford ee Troy Deeney ayaa si lama filaan ah hoggaamiyaha Juventus ee Cristiano Ronaldo ugula taliyay inuu kusoo biiro kooxda Wolverhampton Wanderers oo xiddigaha Portugal xidhiidh fiican la leh.
Ronaldo oo 35 sano jir ah ayaa muddooyinkan ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu iskaga tagayo kooxdiisa Juventus iyadoo la xusayo inay kooxdaasi doonayso inay iska fasaxdo maadaama oo ay dhaqaale badan ku bixiso.
Paris Saint-Germain ee uu agaasimaheeda Leonardo qirtay inay qayb ka yihiin kooxaha la saxeexan kara Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa balse Troy Deeney ayaa aaminsan inuu Wolves ka qayb noqon karo haddiiba uu PL kusoo laabanayo.
Deeney oo talkSPORT ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaan filayaa inaan in badan eegi lahaa koox Wolves oo kale ah oo leh xidhiidh Portugal (Haddii uu Ronaldo kusoo laabanayo Premier League), taasi way shaqayn lahayd”
“Koox kasta oo isaga helaysaa waxa ay helaysaa hibo aan caadi ahayn, xilli ciyaareedkan waxaan filayaa inuu xilli horeba lix gool kusoo dhaliyay afar gool oo Serie A ah, ma helaysid Ronaldo lamid ah midkii Manchester United, waxaan filayaa inuu markasta (Ronaldo-hii Man United) noqon doono midka wax la bar-bardhigo”
“Haddii uu yahay mid la heli karo, aad ayaan u yaabi doonaa haddii aysan jirin koox tobbanka sarre ee Premier League kamid ah oo aan isku dayayn inay lasoo saxeexato”
Wolves ayaa caan ku ah samaynta saxeexyada xiddigaha tayada leh ee ree Portugal tan iyo markii uu tababare Nuno Espirito Santo la wareegay kooxda iyagoo xidhiidh wanaagsan la leh wakiilka Ronaldo ee isaguna Portuguese-ka ah ee Jorge Mendes kaas oo xiddigo badan u keenay.