Warbixin:- Sirdoonka Israa’iil oo guddaha Iran ku dilay
Marines-ka Mareykanka waxa ay waardiye ka yihiin banaanka hore ee Safaarada Mareykanka ee Nairobi waa 1998 kadib markii bambo lagu burburiyey [Keyd: Reuters]
Taliyihii labaad ee Al-Qaacida, oo lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay abaabulka qaraxyadii 1998-dii lala beegsaday laba safaaradood oo Mareykanku ku leeyahay Afrika, ayaa lagu dilay Iran bishii Ogosto, waxaana dilay saraakiil reer Israeli ah oo ku fulinayay amarka Mareykanka, sidaana waxaa qoray wargayska New York Times, oo soo xiganaysa saraakiil sirdoon.
Abdullah Ahmed Abdullah, oo magiciisa afgarashadu yahay Abu Muhammad al-Masri, ayaa waxaa toogtay labo nin oo mooto watay, sida ay qortay jariidada laga leeyahay Mareykanka.
Dilka al-Masri, oo loo arkay inuu badal u noqon karo hogaamiyaha haatan ee al-Qaacida, Ayman Al-Dawahri, ayaa waxaa fuliyay Saraakiisha sirdoonka Israel oo fulinayay amar ka yimid Mareykanka, afar sarkaal oo sirdoon ah ayaa sidaas u sheegay Times.
Ma caddeyn haddii ay jiraan wax doorka ah oo Mareykanku ku lahaa dilkii 7-dii Ogosto ee dagaalyahankii u dhashay Masar, ayay jariidaddu raacisay Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sannado badan ku raad joogay al-Masri iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugan Iran, ayay tiri.
Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa diiday in uu xaqiijiyo mid ka mid ah faahfaahinta ku jirta sheekada Times ama uu sheego in ay jiraan ku lug lahaanshaha Mareykanka. Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ee Aqalka Cad si dhakhsa ah ugama jawaabin codsi kaga yimid Times.
Al-Masri waxaa lala dilay gabadhiisa, oo uu horay u qabay wiilka uu dhalay Osama bin Laden, Hamza bin Laden, Times ayaa sidaa werisay.
Madaxii Al-Qaacida Osama bin Laden, oo abaabulay weeraradii September 11, 2001 ee Mareykanka, waxaa lagu diley weerarkii Mareykanku ku qaaday Pakistan sanadkii 2011.
Al-Masri waxaa lagu soo daray liiska FBI-da ee “Argagixisada aadka loo doondoonayo”, waxaana Mareykanka lagu soo oogay dambiyo la xiriira qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania, halkaas oo 224 qof lagu dilay boqolaal kalena lagu dhaawacay.