Neymar Jr Oo Laga Mamnuucay Barta Bulshada Ee Twitch-ka
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa laga xayiray isticmaalka bartiisa bulshada ee Twitch-ka bil kaddib markii uu kusoo daabacay lambarka telefoonka weeraryahanka Everton ee Richarlison.Neymar oo ah ciyaartoyga ugu qaalisan dunida, uguna biiray PSG lacag dhan £200 Gini sannadkii 2017kii, ayaa bartiisa bulshada kusoo daabici jiray tababarradiisa iyo ciyaaraha uu sameeyo.Bishii October oo kaliya, waqti badan kumay qaadanin inuu helo ku dhowaad 800,000 followers, laakiin hadda marka la isku dayo in janalkiisa lagu xidhmo, waxa uu…