Guddoomiyihii FA-ga England Oo Is-casilay Kaddib Ragga

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta England ee Greg Clarke  ayaa hadda shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Greg Clarke oo uu saaran yahay culaysyo kala duwan ayaa ku qasbanaaday inuu shaqada ka tago, isla markaana uu raalligelin ka bixiyo cunsuriyad uu sameeyey oo caddaymahooda loosoo bandhigay wasaaradda Dhaqanka, Warbaahinta Guddida Ciyaaraha iyo Digitalka, salaasadii maanta.

Waxa kale oo keenay iscasilaaddiisa inuu ka hadlay dadka isku jinsiga ah ee ‘wax iska daya’, iyadoo uu ragga qowu-luudka ah ku tilmaamay inay iyagu sameeyeen doorasho noloshooda ah, balse ay tahay ‘fikrad qaldan’ oo laga soo waariday qaaradda Asia.

Greg Clarke ayaa raalli-gelin ka bixiyey hadalladiisa xilli uu la hadlayay mudaneyaasha baarlamaanka UK oo su’aalo weydiinayey.

Xidhiidhka FA oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa iyaguna sheegay inay ka xun yihiin hadallada uu Guddoomiyahoodu ku hadlay, waxaanay shaaciyeen inuu Greg Clarke iska casilay xilkii uu hayay.

“Waxaanu xaqiijinaynaa in Greg Clarke  uu iska casilay xilkii Guddoomiyahaga. Peter McCormick ayaa si ku-meelgaadh ah usii qaban doona xilka Guddoomiyaha, waxaanay guddida maamulka (FA Board) bilaabi doonaan hannaankii lagu soo xuli lahaa ee lagu magacaabi lahaa guddoomiye cusub.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu saaray xidhiidhka FA.

Greg Clarke oo xilka ka beddelay Greg Dyke ayaa xilkan hayay tan iyo September 2016kii.

Sanjay Bhandari oo ah Guddoomiyaha guddida fulinta ee xidhiidhka ayaa hormood ka noqday codsiyo loo jeedinayay Greg Clarke oo ahaa inuu shaqada iska casilo, isagoo hadalladana ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More