Neymar Jr Oo Laga Mamnuucay Barta Bulshada Ee Twitch-ka

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa laga xayiray isticmaalka bartiisa bulshada ee Twitch-ka bil kaddib markii uu kusoo daabacay lambarka telefoonka weeraryahanka Everton ee Richarlison.

Neymar oo ah ciyaartoyga ugu qaalisan dunida, uguna biiray PSG lacag dhan £200 Gini sannadkii 2017kii, ayaa bartiisa bulshada kusoo daabici jiray tababarradiisa iyo ciyaaraha uu sameeyo.

Bishii October oo kaliya, waqti badan kumay qaadanin inuu helo ku dhowaad 800,000 followers, laakiin hadda marka la isku dayo in janalkiisa lagu xidhmo, waxa uu usoo qorayaa farriin odhanaysa: “Waanu ka xunahay. Illaa inta aad ka helayso waqti mishiin, macluumaadkan lama heli karayo.”

Neymar ayaa dhinaciisa farriin uu kusoo dabaacay bartiisa kale  ee bulshada ee Instagram, waxa uu ku sharraxay sababta uu u malaynayo in looga xayiray cinwaankiisa Twitterka, waxaanu yidhi: “Waxa la iga xayiray Twitch-ka, haddii aanan qaldanayn waa toddoba maalmood oo qoollayda darteed ah.”

Laacibkan oo cinwaankiisa kusoo qortay lambarka Richarlison bishii hore ayaa waxa uu keenay in muddo kooban ay farriimo kor u dhaafaya 10,000 kusoo dhacaan WhatsApp-ka Richarlisson kuddo shan daqiiqadood ah, iyadoo ay inta badan ahaayeen taageereyaasha Liveprool oo aflagaadaynaya maadaama uu maalmahaas qalad ku galay Thiago Alcantara oo uu dhaawac ugu geystay kulankii Merseyside Derby.

Neymar ayaa inta badan waxa uu ku madadaalanayay barnaamijka ‘Among Us’ iyadoo uu mararka qaarkoodna si toos ah dadka ugala xidhiidho muuqaal daawasho oo Live ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More