Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay biyo ka saarista
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waddooyinka Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal biyaha xareedda roobka looga saarayo, kadib markii uu kulan degdeg ah oo lagu canaantay uu la qaatay Raysul Wasaaraha XFS.
Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa xalay ku guureeyay qaar kamid ah jidadka Magaalada Muqdisho oo biyaha fadhiistay si looga saaro, maadaama ay geeyeen Booyado si waaxda nadaafadda ay uga howlgasho.
Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda…