8 Caqabad Oo Kheyre Ka Hortaagan Madaxweynenimo! – Axadle

Saaxiib & Wadaay la’aantasiyaasadeed ee haysata ololaha ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ma aha mid cusub, sida ay sheegeen lataliyeyaashiisii siyaasadda iyo kalkaaliyeyaashii kalashaqeynayey xiriirka bulshada caqabadahani lama kowsan damaca  iyo musharaxnimada Kheyre ee xilka madaxweynaha doorashooyinka 2021,

hayeeshee intooda badan waxa ay kadhasheen habdhaqankiisii siyaasadeed intii uu joogay xafiiska February-2017-July-2020 kaas oo kudhisnaa siyaasadda Qamaarka ee Maanta guuleyso berrina khasaar(Win today lose tomorrow) taas oo lahubo in ay siyaasiyiinta kudhaqma u horseeddo cawaaqib-xumo siyaasadeed oo sababta heer gaarsiisan in ay guud ahaan lumiyaan kaalintooda siyaasadda, Bulshada iyo in aysan dib dambe uga soo muuqaan golayaasha dowaladaha kudhisan nidaamka tala-wadaagga.

Jilayaasha siyaasadda, hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, xubno  katirsan bulshada rayidka & Warbaahinta  oo dhammaantood la kulmay lana dhaqmay Kheyre ayaa si weyn u aamisan in  caqabadaha iyo culeyska dhinaca siyaasadda ee kadhashay hab-dhaqankii hore ee Xasan Cali Kheyre ay sababi karaan in uu kaharo tartanka iyo musharaxnimada xilka madaxweynaha haddii xitaa uu kaqaybgalana waxa adag sida ay qabaan in uu helo dad aamina iyo saaxiibo siyaasadeed oo ku kalsoon ama wax la wadaaga!  Kalsooni iyo aaminaad la’aantu waa caqabado lama-dhaafaan ah oo sal iyo asaas u ah  siyaasadda Qamaarka.

Kalsooni la’aanta siyaasadeed ahaysata ololaha Kheyre waxa ka soo jeeddaa laba dhinac o oleh miisaan siyaasadeed iyo culeys saameyneed, dhinacyadaas midkood waa xukuumadda Nabad & Nolol oo uu katirsanaa! taas oo si xun uga erisay xilkii uu hayey midka kalana waa hogaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka oo inta la hubo aan Kheyre midkoodna ka haysan Kalsooni siyaasadeed (political confidence) iyo xitaa saaxiibtimo sahli karta in lala wadaago macluumaadka.

8-da caqabadood ee hortaagan Madaxweynenimda Kheyre!

Is-caddeyn la’aanta siyaasadeed

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre  oo ah sida uu shaaciyey musharax u taagan xilka madaxweynaha doorashooyinka 2021 waxa uu guulaha iyo gaabisyada siyaasadeed la wadaagayey lana qaybsanayey xukuumadda Nabad & Nolol hayeeshee laga soo billaabo sidii uu uga caga-taagleeyey soo jeedinta uga timid dowladda Qatar ee ahayd in uu kaqaybqaato ololaha dib u doorashada MW Farmaajo taas beddelkeedana uu noqdo doorashada 2aad ee Qatar waxa uu wajahayey kelinimo iyo koox la’aan dhinaca siyaasadda ah, June-2020 markii uu damcay in uu ficil u rogo hammigiisa siyaasaddana waxa uuba galay go’doon iyo ciriiri sababay in uusan kasoo muuqan kulamada siyaasadda, sidaas awgeed markii laga qaaday xilka Nabad & Nolol waxa ay raacday hab siyaasadeed cusub oo oo si walba uga duwan ugana deggan dhaqankii Kheyre, taas oo macnaheedu yahay in Kheyre lahaa dhammaan wixii dhib iyo xasilooni la’aan siyaasadeed ahaa ee haystay xukuumadda.

4 bil kaddib oo laga joogo markii laga eryey xilka wasiirka koowaad illaa hadda oo uu billow yahay ololaha doorashadu Kheyre marna ma muujin aragtidiisa kuwjahan Nabad & Nolol! Falanqeeyeyaasha siyaasaddu waxa ay qabaan in is-caddeyn la’aantii Kheyre ee shirarkii Dhuusamareeb 1 & 2  ay sabab u ahayad in uu lumiyo kalsoonida kooxdiisa kaddibna waayo xilka Wasiirka Koowaad! sidaas oo kalana ay sababi karto in uu kaharo tartanka doorashooyinka.

Kaalintii uu ku lahaa Fadeexadda SOMA Oil & GAS

Sida lagu daabacay warbixinta QM ee kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eretria ayna faafisay BBC World Service Soma Oil & Gaswaxa ay lacag kudhow Nus Milyan laaluush ahaan u siisay xubno katirsan Wasaaradda macdanta iyo Batrolka Soomaaliya si ay wax ugu fududeeyaan Soma Oil & Gas, warbixinta QM ee quseeyey Laaluushka Soma Oil & Gaswaxa loo aqoonsaday in uu ahaa boob iyo tuuganimo halis ah (Serious Fraud)

Shirkadda Soma Oil & Gas oo la aasaasay 2013 waa shirkad Shidaal oo Ingiriiska laga leeyahay, gaar ah islamarkaana fadhigeedu yahay London, waxa aasaasay hoggaamiyihii hore ee xisbiga Muxaafadka Ingiriiska Michael Howard,hayeeshee goor dambe waxa la ogaaday in Soma Oil & Gas ay ahayd shirkad tuugo ah oo loogu talagalay dhaca iyo Boobka shidaalka Soomaaliya.

Kiiska Badda oo uu ka iska fogeeyey muddo saddex sano bar ah

Saaxiibtinimada kaladhexeysay Xasan Cali Kheyre hogaamiyayaasha Waddanka Kenya ee muranka geliyey qayb kamid ah Badda Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee uu la lahaa Waddanka uu ka haysto dhalshada ee Norway oo Keynya ku taageerayey in ay sheegato Badda Soomaaliya ayaa sababay in uu faraha ka qaado guud ahaanba arrimaha la xiriira muranka kadhshay dacwadda Badda, sidaas awgeed galka kiiska Badda Soomaaliya waxa lagu wareejiyey Ra’salwasaare ku xigeenka garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed oo dhalshada labaad ka haysta Itoobiya.

Sida ay xaqiijiyeen la taliyeyaashiisu Xasan Cali Kheyre muddo Saddex sano iyo Bar ah si uu u illaaliyo danaha dowlado shisheeye waxa uu dayacay danta Qaranka Soomaaliya, taasina waxa ay kadhigan tahay caqabad weyn oo calaad su’aal saari karta sida Xasan Cali Kheyre ugu tartami karo xilka ugu sarreeya Waddan uu danihiisii u dayacay hirgelinta danaha Waddan kale.

Eedihii uu galay intii uu xilka hayey:

Sida ay faafiyeen siyaasiyiin kaladuwan Xasan Kheyre waxa uu galay eedo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale! Kuwaas oo uu si gaar ah ugu geystay siyaasiyiin ay saaxiib iyo haybba wadaageen! Sida weerarka loo tirinayo in uu lahaa amarkiisa ee lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir December-2017, sidaas oo kale Dhaqaale ahaan waxa uu si aan sharciga waafaqsanayn u cunaqabateeyey xubno katirsan saaxiibadiisii hore ee Qabyo, Kooxdiisa hore oo sida ay sheegeen u galay abaal weyn waxa uu ku qaaday dagaal siyaasadeed oo uu u adeegsaday magaca dowladda kaas oo ay adagtahay in si dhib yar la isaga  iskadifaaco, eedaha la xauusto waxa kamid ah sida uu u maareeyey heshiisyadii Saadka iyo cuntada ee ciidanka xoogga dalka.

Cabburinta Baarlamaanka

Sida uu sheegay Maxamed Sh Cismaan Jawaari guddoomiyihii golaha shacabka April-2018 xukuumadda oo uu hormuud u ahaa Xasan Cali Kheyre ayaa ciidan gelisay golaha shacabka kaddib murankii kadhshay Mooshinkii xilka looga tuurayey Jawaari oo la tuhunsan yahay in xukuumaddu hindistay iyada oo adeegsaneysa xildhibaano katirsan xukuumadda.

Jawaari oo xilligaas  aada uga welwelay wareerka ka taagnaa golaha shacabka yaa yiri: “Wixii dhaca ee dhibaato ah shirka bari, anaga mas’uul kama nihin, waxaana mas’uul ka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaanan culumada iyo ururada bulshada ka codsanayaa in madaxweynaha lala hadlo, iskana dhaafo dhinaca uu jiro, dhexdhexaad ka noqdo,waajibaadkiisa dastuuriga ahna uu guto”.

Koox la’aanta Shaqo

Xafiiska Ra’isalwasaaruhu xilligii Xasan Kheyre waxa uu noqday xafiis miisaan ku leh jaangoynta iyo socodsiinta howlaha xukuumadda, waxa uu gaaray heer uu si buuxda ula socdo una kormeero dhammaan shaqada maalinlaha ah ee Wasaaradaha, sababtu waxa ay ahayd koox cusub oo shaqada XRW ku soo biirtay intii u dhexeysay 2017-2019, kuwaas oo u kalaqaybsnaa waaxyo wadashaqeeya oo isku xiran.

Kooxda Shaqada ee XRW oo isugu jiray rag iyo dumar waxbartay waxa ay horseedday in Xasan Kheyre yeesho saameyn iyo muuqasho siyaasadeed oo shaki gelisay madaxtooyada hayeeshee Kheyre markii xilka laga eryey waxa uu ku guuldareystay in uu kooxdiisa shaqada isku hayo sidaasna waxa uu kulimiyey Kalkaaliyeyaashiisii ay kamidka ahaayeen garyaqaan Cumar Dhegey, Samiira Qaacid & Cabdiraxmaan Shariif iyo la taliyeyaal muhiim u ahaa ololihiisa kuwaas oo sida ay sheegeen ogaaday in caqabadaha haysta ololaha iyo musharaxnimada Kheyre ay tobonaan goor ka badan yihiin fursadaha uu heli karo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More