Xiddiga Arsenal Mesut Ozil ayaa fariin u diray saaxiibadiisa ka hor kulanka derbiga
Mesut Ozil ayaa farriin u diray ciyaartoyda Arsenal ka hor kulanka North London derby ee ay Tottenham ku qaabilayso Gunners oo ugu tegaysa garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
Labadan kooxood oo ay ka dhaxayso cadaawad ay sabab u tahay xaafadda ay ka wada dhisan yihiin ayaa waxay natiijadeedu saamayn ku yeelanaysaa labada kooxoodba, balse waxay dhibaatada ugu daran ku tahay Arsenal oo ay suurtogal tahay inay u degto kaalinta 16aad ee miiska kala-sarraynta haddii ay guul-darro la kulanto sidoo kalena ay soo badiso Brighton…