Xiddiga Arsenal Mesut Ozil ayaa fariin u diray saaxiibadiisa ka hor kulanka derbiga

Mesut Ozil ayaa farriin u diray ciyaartoyda Arsenal ka hor kulanka North London derby ee ay Tottenham ku qaabilayso Gunners oo ugu tegaysa garoonka Tottenham Hotspur Stadium.

Labadan kooxood oo ay ka dhaxayso cadaawad ay sabab u tahay xaafadda ay ka wada dhisan yihiin ayaa waxay natiijadeedu saamayn ku yeelanaysaa labada kooxoodba, balse waxay dhibaatada ugu daran ku tahay Arsenal oo ay suurtogal tahay inay u degto kaalinta 16aad ee miiska kala-sarraynta haddii ay guul-darro la kulanto sidoo kalena ay soo badiso Brighton oo saddex dhibcood ka dambaysa.

Xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil oo aanu sharcigu u ogolayn inuu ciyaartan safto kaddib markii uu tababare Mikel Arteta ka reebay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uu u gudbiyey maamulka Premier League ee xili ciyaareedkan, ayaa waxa uu farriin toos ah u diray ciyaartoyda kooxdiisa ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta ay ku waajayaan Spurs.

Laacibkan oo hore arday ugu soo noqday Jose Mourinho oo kusoo tababaray Real Madrid ayaa bartiisa Twitterka waxa uu soo dhigay farriin uu ku dhiirigelinayo ciyaartoyda kooxda isagoo isku dayaya inuu ka caawiyo inay ka guuleystaan Tottenham iyo tababarihiisa hore oo ay ka hor istaagaan inay hoggaanka horyaalka mar kale la wareegaan.

Mesut Ozil ayaa bartiisa Twitter-ka waxa uu soo dhigay muuqaalka ciyaar ay Arsenal ku garaacday Tottenham xili ciyaareedkii 2016/17 oo ka dhacday garoonkii hore ee Tottenham ee White Hart Lane.

Muuqaalka ayaa waxa uu soo raaciyey qoraalka hal-hayska Arsenal ay ugu isticmaasho baraha bulshada, kaas oo ay taageereyaashuna in badan markiiba isla sii wadaageen.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan: “#YaGunnersYa #NLD #COYG”.

Daawo muuqaalka Ozil:

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More