Fikrada Shaqsiga Ah Ee Mesut Ozil, Haddii Uu January Baxayo

Waxa xog cusub laga sheegayaa xaalada mashiinka khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil iyo rabitaankiisa kahor furitaanka suuqa xilliga qaboobaha ee bisha January.

32 sano jirkan kusoo guuleystay koobka aduunka ayuu fogeeyay tababarihiisa Mikel Arteta kaas oo ka reebay liisaska xiddigaha kooxda u metelaya tartamada Premier League iyo Europe League.

Balse aragtida shaqsiga ah ee uu Ozil caddaystay ayaa ah inuu doonayo inuu booskiisa u dagaalamo isla markaana uusan kooxda ka huleelayn suuqa bisha January.

Heshiiska Ozil uu 350,000 ee Pound ku qaato toddobaadkii ayay ku jirtaa shuruud lacag dheeraad ah lagu siinayo haddii uu daacad u ahaado kooxda oo uusan kooxo kale wadaxaajood la yeelan.

Qoddobkaad ayaa lagu daray heshiiska markii ay Arsenal ka saxeexanaysay sanadkii 2018 iyagoo kahor istaagayay in mustaqbalka laga hoos xado.

Haatan sida ay sheegayaan wararku Ozil ayaa marka laga yimaado arrimihiisa Arsenal sidoo kale doonaya inuu sii noolaado waayihiisa ciyaareed isaga oo aaminsan inuu dalabaad badan heli doono oo ay xataa kooxo Premier League ah soo dalban doonaan.

Ozil ayaysan u badnayn inuu kooxdiisa kale ka heli doono lacag u badan sida mida uu hadda qaato balse tayadiisa iyo khibradiisa ayaa wali ah wax kooxaha kale soo jiidan kara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More