PSG Oo Go’aan Buuxa Ka Gaartey Mustaqbalka Xiddigii

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa go’aan ka qaadatay arrinta weeraryankeeda Jese Rodriguez oo lagu eedaynayay arrimo galmo la xidhiidha iyo inuu saaxiibadii qiyaamay.

Xiddigii hore ee Real Madrid oo 27 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu saaxiibtii ku khiyaamay gabadh kale oo saaxibadeed ah oo Model ah.

Sidoo kale mid kamida arrimaha lagu haystay Jese ayaa ahaa in lagu sawiray xaflad ka dhacday meesha lagu magacaabo Gran Canaria isaga oon raacayn sharciyada xanuunka Korona Fayras isla markaana aan wax maasgaro ah xidhnayn.

Paris Saint-Germain ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday inay gabi ahaanba kansashay heshiiskii Jese Rodriguez oo ku ekaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa la fahamsan yahay in madaxweynaha PSG ee Naser El Khelaifi inuu ku daalay fadeexada iyo ceebta uu Jese kooxda ugu soo jiidayo hab dhaqankiisa.

Xiddigii hore ee Stoke City ayaa dhinaca Real Madrid kaga yimid PSG sanadkii 2016 balse kaliya 18 kulan usoo ciyaaray isagoo 2 gool soo dhaliyay.

Jese ayaa kaliya 22 daqiiqo xilli ciyaareedkan oo dhan usoo ciyaaray Paris kahor intii aan la kansalin heshiiskii uu Parc des Princes ku joogay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More