Shaxda Rasmiga Ah Ee Tottenham vs Arsenal – Mourinho Oo Shax

Tottenham ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa Arsenal oo ay ka dhaxayso cadaawad weyn oo ay abuurtay xafiiltanka xaafadeed ee ay ka wada dhisan yihiin, iyagoo labadooduba wada deggan woqooyiga magaalada London.

Tottenham ayaa hoggaanka horyaalka Premier League qaban si buuxda ula wareegi doonta haddii ay guul ka gaadho ciyaartan, waxaana uu Jose Mourinho safkiisa kusoo bilaabay Harry Kane iyo Son oo ah xiddigaha uu goolasha ugu badan ka dhalinaya horyaalka amaba caawinta ka sameeyey marka la isku geeyo waxqabadkooda.

Saxeexii ay Spurs samaysay xagaagii Bergwijn ayaa isaguna kusoo bilowday, halka Lo Celco uu isaguna khadka dhexe la wadaagayo Hojbjerg iyo Sissoko.

Toby Alderweireld ayaa kusoo laabtay shaxda kooxda kaddib saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo uu ku maqnaa dhaawac, waxaana uu beddelay Jodon Rodon oo kulankii Stamford ee usbuucii hore hayey difaaca.

Jose Mourinho ayaan haysanin laacibka khadka dhexe ee Tanguy Ndombele, balse waxa dhamaantood taam soo noqday Harry Kane, Hugo Lloris iyo Sergio Reguilon oo jugo gaadheen usbuucii hore, balse Erik Lamela ayay ciyaartani ku noqotay deg-deg iyo inuu kusoo laaban kari waayo.

Mikel Arteta ayaa  isaguna dib u helay laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey oo usbuucyo dhaawac ku maqnaa, waxaanu safka koowaad la wadaagayaa Rob Holding iyo Alexandre Lacazezette oo iyaguna kusoo laabtay safka koowaad.

Dani Ceballos iyo Joe Willock ayaa kaydka Arsenal galay balse David Luiz oo madaxa dhaawac ka gaadhay ayaan ciyaartan qayb ka ahayn.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Arsenal XI:  Leno, Bellerin, Holding, Gabriel, Tierney, Willian, Xhaka, Partey, Saka, Lacazette, Aubameyang.

Kaydka: Runarsson, Mustafi, Elneny, Maitland-Niles, Ceballos, Willock, Nketiah

Tottenham XI: Lloris, Aurier, Alderweireld, Dier, Reguilon, Sissoko, Hojbjerg, Lo Celso, Bergwijn, Son, Kane.

Kaydka: Hart, Rodon, Davies, Winks, Moura, Bale, Vinicus

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More