WAR DEG DEG AH: Man United vs Man City – Isku Aadka Semi Finalka
Isku aadka wareega 8-dhamaadka Carabao Cup ayaa goordhaw la sameeyay kulamo xiiso leh.
Kooxaha xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Manchester United iyo Manchester City ayaa isugu soo haray semi-finalka koobka Carabao Cup.
United ayaa garaacday Everton caawa halka City ay garaacday Arsenal xalay, labada koox ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Old Trafford bisha Janaayo ee sannadka soo socda.
Semi-finalka labaad wuxuu dhexmarayaa Tottenham oo caawa garaacday Stoke City iyo Brentford oo xalay garaacday Newcastle.…