Xogta Tababarkii Ugu Dambeeyay Ee Real Madrid &
Xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa Isniitii shalay si rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kaddib markii uu tababare Zinadine Zidane fasaxay Sabtidii iyo Axadii oo uu ugu talo galay inay nasiimo qaataan.Tababare Zidane ayaan wali awoodin inuu ku xisaabtamo Toni Kroos, Eden Hazard, Dani Carvajal iyo Federico Valverde kuwaas oo dhammaantood ka shaqaynaya soo kabashadooda.Kaliya Carvajal ayuu ahaa ciyaaryahanka soo dhex galay ee ka qayb qaatay tababarkaas oo ay sidoo kale ka maqnaayeen xiddigaha xulalka jira ee Thibaut Courtois,…