XASAASI: Miyaa Ronaldo Masuuliyada Kabtanimo Ee

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa ka hadlay haddiiba uu masuuliyada kabtanimo ka qaadayo Cristiano Ronaldo kaas oo fal uu eedaymo badan kula kulmay soo sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee ay bar-bardhaca 2-2 ah lasoo galeen Serbia.

Ronaldo ayaa aad uga cadhooday goolka guusha oo uu xilli dambe ka dhaliyay kulankaas oo laga diiday kaddib qalad ka dhacay kooxda garsoorka ee uu hoggaaminayay Danny Makkelie.

Ronaldo ayay macquul tahay inuu ganaax kala kulmo FIFA kaddib markii uu dhulka ku tuuray calaamada kabtanimo isla markaana uu ku qayliyay calan-wadaha ciyaarta.

Laakiin tababare Fernando Santos ayaa taageero u muujiyay xiddigiisa isaga oo sheegay inuu Ronaldo tusaale yahay isla markaana uu sii ahaanayo kabtanka Portugal.

Portugal ayaa kulankooda saddexaad ee isreeb-reebka koobka aduunka dhigooda Luxemberg ku wajahaya waxaana uu Santos sheegay in Ronaldo uu kasoo muuqan karo kulankaas isaga oo masuuliyada kabtanimo markale sida.

Fernando Santos oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “Waxa ay ahayd kaliya wakhti khal-khal leh, Cristiano waxa uu sii ahaan doonaa kabtanka, isagu waxa uu tusaale u yahay qofkasta”

“Haddii uu weerar ku qaadi lahaa tababaraha ama xiddigaha ay xulka kawada tirsan yihiin, waanu ka fikiri lahayn (Inaanu kabtanka ka qaadno) laakiin waxba taas kama aysan dhicin”

“Isagu markasta waxa uu doonayaa inuu guuleysto waxaana uu ahaa mid aad u wareersan, waxkasta ayuu isagu siiyaa xulkiisa qaranka”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More