Cumar Cabdirashiid: “Heshiiska Amniga ee Itoobiya,

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay iskaashiga Hogaamiyayaasha Dowladaha Itoobiya, Eretareeya & Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid khatar ka dhan karta.

Sharma’arke ayaa sheegay in halista ugu weyn ay tahay muddo xileedka Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka oo dhammaaday, xaaladda kala guurka & hubanti la’aanta ka jirta Doorashooyinka Soomaaliya dhinacyadii heshiiska ka gaaray ay isku fahmi la’ yihiin ku dhaqaaqisteeda.

Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in walaac uu ka qabo arrintaas heshiiska ku saxiixanaya Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya iyaga oo horay u dhistay isbaheysi ay ku mideysan yihiin.

“Heshiiska dhexmaraya Eretareeya, Itoobiya & Soomaaliya ee quseeya amniga waa mid khatar ah oo u baahan fiiro gaar ah sababtu waa adeegsiga aan dhammadka lahayn ee waaxda Amniga, walaaca muuqda ayaa ah muddo xileedka ka dhammaaday Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka iyo qorshaha isku soo beegmay” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Hogaamiyaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu tago Magaalada Addis Ababa oo heshiis ay ku kala saxiixanayaan Hogaamiyaha Eretareeya Isaias Afwerki & Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More