Manchester United Oo Laba xiddig Oo Muhiim Ah Waayeysa Kulamada
Manchester United ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee xiddiga reer France ee Anthony Martial kulanka Brighton kaddib markii uu laacibkan dhaawac kasoo gaadhay jilibka xilli uu u ciyaarayay xulka qaranka France.Anthony Martial ayaa laga saaray ciyaartii Faransiisku 2-0 ku garaacay Kazakhstan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanu gebi ahaanba ka maqnaa kulankii Arbacadii ay 1-0 kaga badiyeen Bosnia-Herzegovina.Tababare Didier Deschamps ayaa hoos u dhigay halista dhaawaca Martial oo uu ku tilmaamay mid aan khatar badan…