Sawirro: Rag qaraxyo culus fulin rabay oo la qabtay

Afgooye (Axadle) – Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo rag loo haysto falal la xariira Al-Shabaabnimo oo ku howlanaa diyaarinta qaraxyadaas.

Ragaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe ayaa laga soo xigtay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku soo qabteen afar qof.

Raggaas ayuu sheegay afhayeenku in loo heysto falal ‘argagixisonimo’ islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Sadiiq Doodishe in qaraxyadii lagu soo qabtay ragaas ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan.

Hey’adaha ammaanku sooma bandhigin sawirro ama muuqaallo muujinaya raga afarta ah ee qaraxyada lagu soo qabtay, markii laga reebo in warbaahintu heshay sawirrada waxyaabaha qaraxa ee lasoo bandhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More