Farmaajo oo sheegay inuu mar kale kulan ‘isugu yeeray’ madax goboleedyada
Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.
Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka…