Maxay Tahay Sababta Uu Mikel Arteta U Diiday In La Isbarbardhigo
Mikel Arteta ayaa kalsooni ku qaba in kabtan Pierre-Emerick Aubameyang inuu u heelan yahay Arsenal isagoo si carro leh u diiday soo jeedin ah inuu xiddigaan noqonayo sida Mesut Ozil oo kale.Kabtanka Gunners oo 31 sanno jir ah ayaa xagaagii saxiixay qandaraas cusub uu isbuucii ku qaadanayo 350 kun ginni, isagoo Gunners sii joogaya ilaa iyo 2023.Laakiin qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan ayaa hoos u dhacay halka sidoo kale ay soo baxeen inuu sameeyay waxyaabo badan oo ku xadgudbaya sharciga akhlaaq wanaaga ee Arsenal u…