Waa Maxay Sababta Ay Ciyaaryahanadda Barcelona U Diidan Yihiin Inay Kooxda

Ciyaaryahanadda Barcelona ayaa ka soo horjeestay inay kooxda la soo wareegto Georginio Wijnaldum iyo Memphis Depay iyagoo doonaya in bedelkii labadaas ciyaaryahan inay kooxda soo xerogeliso Neymar.

Xiddiga khadka dhexe ee Netherland Gini Wijnaldum ayaa qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayaa xagaagan iyadoo la filayo inuu si bilaash ah uga tagi doono Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababare Ronald Koeman ayaa doonayay inuu la soo saxiixdo Wijnaldum tan iyo markii uu la wareegay shaqada Camp Nou, wuxuuna dhawaan ku heli karaa si bilaash ah.

Memphis Depay ayaa ah ciyaaryahan kale oo uu Koeman kula soo shaqeeyay xulka Netherlands oo diirada u saaran.

Weeraryahanka Lyon ayaa ku dhawaa inuu Barca ku biiro xagaagii la soo dhaafay laakiin ugu danbeyn wuxuu iska sii joogay kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan.

Depay ayaa qandaraaskiisa uu isna dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo labada xiddig ee reer Holland lagu heli karo si bilaash ah.

Jurgen Klopp ayaa weli si joogta ah u ciyaarsiinaya Wijnaldum inkastoo aan mustaqbalkiisa kooxda la hubin.

29 jirkaan ayaa ka mid ah xiddigihii ugu horeeyay ee uu tababaraha Jarmalka la soo wareegay isagoo ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato Premier League iyo Champions League.

Koeman ayaa sidoo kale ka dhigtay Wijnaldum xiddig fure u ahaa shaxdiisa markii uu ahaa tababaraha xulka Netherlands, wuxuuna ka warqabayaa tayadiisa oo dhan.

Laakiin ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaa diiday in la soo xerogeliyo ciyaaryahankaan iyagoo ku baaqay inay jeclaan lahaayeen inay kooxda dadaalkeeda oo dhan isagu geyso sidii ay u soo celin laheyd Neymar, sida ay sheegtay jariirada Mundo Deportivo.

Wargeyska Isbaanishka ayaa sheegaya in ciyaartoyda Barcelona ay ku riyoonayaan soo laabashada Neymar ka dib markii uu kooxda ka tagay sannadkii 2017.

Neymar ayaa haatan wadahadal qandaraas kordhin ah kula jira kooxda PSG iyadoo madaxda kooxda Faransiiska ay kalsooni ku qabaan inuu qandaraaska kordhin doono.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More