Sida Ay Ku Suurtogashay Inuu Ninkii Qaawanaa Gudaha U Galo Garoon

Ninkii qaawanaa ee orod ku dhexmaray garoonka intii ay socotay kulankii Manchester United iyo Granada ee lugta hore ee wareega 8da Europa League ayaa la sharaxay sida uu garoonka ku galay iyadoo aan taageerayaal loo ogoleyn.

Waxaa haatan soo baxday in ninkaan oo u dhashay Spain uu garoonka ku dhex dhuuntay 14 saacadood ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin taasoo keentay inaan la ogaanin waqtigii garoonka ay imaanayeen shaqaalaha.

United aaya u safartay Spain si ay lugta hore ee wareega 8da Europa League u la ciyaarayaan kooxda Granada, sida caadada noqotay xilli ciyaareedkan lama fileynin in wax taageerayaal ah lagu arko garoonka.

Intii ay socotay qeybtii hore ee ciyaarta, xiddigaha labada kooxood ayaa arkay arin ka argagaxisay oo uu sameeyay hal shaqsi oo orod ku soo dhexgalay garoonka.

Nin gar leh oo qaawan ayaa ciyaarta soo dhexgalay isagoo orod ku maray garoonka ka hor inta aysan afar boliid ah ceyrsanin oo aysan qabanin.

Waxaa haatan soo baxday in ninkaan qaawan uu garoonka soo galay aroornimadii hore marka ay saacadu aheyd 7am maalintii Khamiista, wuxuu sugay 14 saacadood ka hor inta uusan garoonka qaawanaan ku gelin.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Olmo Garcia ayaa u dhashay magaalada Granada, waana nin lagu yaqaano inuu isqaawiyo.

Wuxuu sheegay in falka uu ku kacay inuu u sameeyay inyy wacyigelin ka sameeyo ilaalinta ba’ada, laakiin wuxuu ka dhaxlay inuu xabsi ku hoydo.

Man United ayaa kulankaas ku badisay 2-0 ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes, lugta labaad ayaa todobaadkan ka dhici doonta garoonka Old Trafford.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More