Laba Xiddig Oo Ka Maqan Liiska Ciyaaryahanadda Chelsea Ee Kulanka FC Porto
Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa kulanka FC Porto ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, taas oo ay habeen dambe ku ciyaari doonaan garoonka Ramon Snachez Pizjuan Stadium ee waddanka Spain.Chelsea ayaa lugtii hore kusoo adkaatay 2-0 ay ku garaacday FC Porto, waxayse toddobaad kaddib iskaga hor imanayaan isla garoonkii ay usbuucii hore guusha ku gaadheen.Mason Mount iyo Ben Chilwell ayaa ahaa xiddigihii guusha u horseeday Blues kulankaas hore, iyagoo dhaliyey min gool, xilli ay…