Sir Alex Ferguson Oo Xiddig Lama Filaan Ah Oo Ay Jeclaayeen

Tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa ahaa mid il gaar ah u leh saxeexyada xiddigaha mustaqbalka fiican leh balse sidoo kale waxa jiray ciyaaryahano ku fashilmay mudadii uu kooxdaas maamulaha ka ahaa.

Alex Ferguson ayaa hadda shaaciyay saxeexii ugu xumaa ee uu kooxdaas ku sameeyay, taageerayaal badan oo Manchester ah ayaa odhan lahaa David Bellion, Bebe amaba Gabriel Obertan balse SAF ayaa u doortay doorkaas Owen Hargreaves.

Sir Alex ayaa mudo 26 sano ah hoggaanka usoo hayay Manchester isaga oo noqday tababaraha ugu fiicnaa taariikha kooxdaas isla markaana xataa qayb kamida qaybaha gegida Old Trafford loogu magac daray.

Marka laga yimaado inuu kusoo guuleystay 13 horyaal Premier League oo ah kala badhka xilli ciyaareedyadii uu kooxdaas joogay, Ferguson ayaa sidoo kale Red Devils lasoo qaaday koobab FA Cup, League Cup iyo Champions League ba lahaa isaga oo wadar ahaan 38 koob kooxdaas kusoo guuleeyay.

Awooda uu lahaa Ferguson marka ay noqoto saxeexyada ayaa ahayd mid cajiib ah waxaana kamid ahaa saxeexyada cajiibka ah ee uu sameeyay kuwii Cristiano Ronaldo oo uu 12 Milyan oo pound kula saxeexday iyo Nemanja Vidic oo uu kaliya 6 Milyan oo pound ku helay.

Haddaba, mar uu Fergie ka hadlayay saxeexiisii ugu xumaa ayuu yidhi “Isagu waxa uu ka ciyaari karayay daafaca midig, garabka midig iyo khadka dhexe”

“Waxaan isaga ka ciyaarsiiyay garabka midig 2008 Final-kii Chelsea, markii aanu bilawnay inaanu ku dhibtoono saddexdooda khad dhexe waxaan isaga dhigay khadka dhexe aniga oo Rooney garabka midig geeyay wayna shaqaysay”

“Isagu waxa uu lahaa qiime dhab ah, laakiin waxa uu qiimahaas oo dhammi ku lumay dhadada kulamo ciyaaris la’aantiisa”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More