Midowga Yurub Talaabo Ayaan Qaadi Doono Hadii Kordhinta BF aan laga Noqonin
Muqdisho (Axadle) -Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee shalay ay wiiqday tageeraddi Midowga Yurub iyo beesha caalamka oo ee dib udhiska Soomaaliya taas oo ku saleysneyd is afgarad.
Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay u codeeyay in labo sano loogu daro xilka madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka kadib markii ismari waa uu ku yimid hanaanka doorashada, kaasoo ku ekaa 8-da bisha Febaraayo ee sanadka 2021-ka.…