Farmaajo ayaa $ 150,000 ku qortay shirkadda u ololeyneysa
Washington (Axadle) - Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kireystay koox u dagaallameysa Koongareeska Mareykanka, maadaama uu wajahayo canbaareyn adag oo kaga imaaneysa maamulka Joe Biden ee ku aadan muddo kordhintiisa
Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa la saxiixatay heshiis $ 150,000 oo doolar oo lala galay shirkadda LFA Holdings ee fadhigeedu yahay New Jersey si ay u abaabusho booqashada Farmaajo ee Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin loo gudbiyay Waaxda Caddaaladda…