Maaha Kuwaad Filayso!! – John Terry Oo Tilmaamay Daafaca Cajiibka Ah
Halyeeyga kooxda Chelsea haatana kamida shaqaalaha tababarka kooxda Aston Villa ee John Terry ayaa tilmaamay daafaca aadka u fiican ee horyaalka Premier League ka ciyaara balse aan marnaba helin aqoonsiga iyo amaanta uu u qalmo.Tabababare ku xigeenka Aston Villa ayaa ka dhacay daafaca dhexe ee Jonny Evans kaddib markii uu gool ka dhaliyay West Bromwich Albion dhawaan kulann ay Leicester City 3-0 ku badisay.Kabtankii hore ee xulka qaranka England ayaa amaanta ka haysan waayay Evans isaga oo barihiisa bulshada gaar ahaan barta…