AKHRISO: Danta Gaarka Ah Ee Real Madrid Iyo Barcelona, Lacagta Lagu

Waxa xog cusub laga helayaa qoddobadii lagu heshiiyay kahor intii aan la shaacin tartankii dhicisoobay ee European Super League oo ay toddobaadkii hore 12 kooxood si rasmi ah ugu dhawaaqeen kahor inta aan jamaahiirta kubadda cagtu ku kicin ee aysan kasoo horjeedsan.

Wargeyska ree Germany ee Der Spiegel ayaa soo qaatay nuqul kamida dhokumentiyadii lagu qoray heshiiskii dhex maray lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League, saddex kooxood oo Spanish ah iyo saddex Talyaani ah.

Heshiisyada ay 12-kaas kooxood galeen ayaa ahaa mid ay dano dheeraad ahi ugu jireen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo sida qoraalka ku xusan iyagu heli lahaa min 60 Milyan oo euro oo dheeri ah.

Sidoo kale waxa lagu heshiiyay in koox kastaa ay xaq u leedahay inay gaarkeeda u baahiso kulamada qaar halka kooxaha ka baxa lagu ganaaxi doono 130 Milyan oo pound.

Waxa jirtay fal-celin cadho ka buuxdo oo ay sameeyeen toddobaadkii tagay jamaahiirta, khubarada kubadda cagta, ciyaartoyda, tababarayaasha iyo xataa siyaasiyiinta.

Kaddib markii ay ka baxeen inta badan kooxaha qaybta ka ahaa tartankaas, asaasaha tartankaas ee Andrea Agnelli oo ah mulkiilaha kooxda Juventus ayaa Salaasadii sheegay inay adkaan doonto in tartanku sii socdo kaddib markii ay lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League iskaga baxeen.

Subaxii Jimcihii shalay, bangiga maalgelinta ree Maraykan ee JO Morgan ayaa u muuqday mid soo af-jaray nuqulkii ugu dambeeyay ee ahaa riyada tartankaas dib loogu dhisi karayay kaddib markii ay ka tanaasuleen maalgelintii 3.5 Bilyan-ka ahayd ee ay ku bixinayeen.

Kulan ay dhawaan yeesheen xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayay ku go’aamiyeen inaan wax ganaax ah la marin 12-kaas kooxood ee qaybta ka ahaa tartanka.

Sida heshiiska ku cad, xaqiiqada ah in Barca iyo Real Madrid ay lacago dheeri ah helayaan ayaa muujinaysa sababta aysan ilaa hadda si rasmi ah ugu shaacin inay ka baxeen ESL.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More