Real Madrid Oo Barbarro Ay Abaal Ku Qabtay Ka Heshay Getafe, Atletico
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lumisay laba dhibcood kulan adkaa oo ay dersin ciyaartoydeeda ka mid ahi ka maqnaayeen oo ay safar ugu tagtay Getafe, taas oo ay kusoo kala baxeen goolal la’aan.Real Madrid ayaa garoonka kusoo gashay shax aanay ku talo-gelin in ay guuleystaan, taas oo kaydkana ay ugu jireen Toni Kroos, Karim Benzema iyo ciyaartooyo aanad hore u arag, una maqal oo ka tirsan kooxda da’yarta.Los Blancos ayaa qaybtii hore ee ciyaarta dhalisay gool uu u saxeexay Mariano Dias oo kusoo bilowday safka hore,…