Barcelona Oo Guul Kasoo Gaartey 10 Ciyaartoy Oo Villarreal Ah, Soona
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay Villarreal oo ay marti u ahayd, taas oo ay kusoo garaacday 2-1.Kooxda reer Catalonia ayaa lagala hormaray gool daqiiqaddii 26aad, waxaase laba jawaabood oo degdeg ah bixiyey Antoine Griezmann oo si daran-doori ah u saxeexay laba gool oo siddeed daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.Goolasha kulanka oo dhashay toban daqiiqadood gudahood, ayaa waxa aftaxay Samuel Chukwueze oo shabaqa Barcelona ku hubsaday kubbad uu ka helay Torres, waxaase laba daqiiqadood kaddib…