David Alaba Oo Daboolka Ka Qaaday Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Uga Tegayo

Xiddiga reer Austria ee boosaska badan ka ciyaara ee David Alaba, waxa uu si xor ah uga tegi doonaa Bayern Munich marka uu dhamaado xilli ciyaareedku, isagoo soo afjari doona muddo 13 sannadood ah oo uu kooxdaas u ciyaarayay.

David Alaba oo heshiiskii uu kula jiray Munich uu ku egyahay bisha June, waxa uu qaatay go’aan adag oo ah in uu iskaga tago kooxda uu kusoo barbaaray ee illaa carruurnimadiisii uu u ciyaarayay.

28 jirkan oo ay Munich u bandhigtay qandaraas cusub ayaa iska diiday, waxaana sababta uu ku sheegay in uu doonayo in uu tago koox cusub, si uu u helo waayo aragnimo kale, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxda kubadda cagta Actual Madrid oo la sheegayo in ay heshiis shaqsi ah lasii gaadhay.

Isagoo sharraxaya sababta uu u go’aansaday in uu iskaga tago Munich, waxa uu Alaba yidhi: “Mar walba manner adag tahay marka uu wax dhamaanayo, mana qarsoona in halkan (Munich) aan ku dareemayay in ay tahay gurigaygii.

“Manner iska caddahay in FC Bayern aan ka tegayo iyadoo indhahayga ilmadu ka da’ayso laakiin waxa aan rajaynayaa in mustaqbalkayga aan kasii wato meel kale.

“Go’aankaygu ma ahayn mid aan kooxda kaga soo horjeedo, laakiin wuxuu ahaa go’aan aan u qaatay in aan jeclaan lahaa in aan wax cusub sameeyo iyo in aan tallaabo kale hore u qaado.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Si aad u korto, waa in aad ka tagto ‘deegaanka aad ku raaxaysanayso’ – aniguna xikmaddaas ayaan si cad u qaatay sababtoo ah waxa suurtogal ah in isfaham waa uu yimaaddo.”

Alaba ayaa ka tegi doona Bayern Munich oo uu u saftay in ka badan 420 ciyaarood, xilli ciyaareedkanna uu kula sii guuleystay horyaalka Bundesliga.

Laacinkan ayaa kooxda koowaad ee Munich usoo dallacay isagoo 17 jir ah, waxaanu illaa waqtigaas ahaa laacib si joogto ah ugaga ciyaarayay difaaca iyo khadka dhexe ba.

Waxa uu kula guuleystay 10 horyaal oo Bundesliga ah oo midkii ugu dambeeyey ay toddobaadka soo socda qaadi doonaan, lix DFB-Pokal (German Cup) ah, laba Champions League iyo laba koob oo FIFA Membership World Cup ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More