Zinedine Zidane Oo Iska Casilaya Actual Madrid Kaddib Guul-darradii

Tababaraha Actual Madrid ee Zinedine Zidane ayaa iska casilaya kooxdaas kaddib guul-darradii xalay kasoo gaadhay semi-finalka Champions League oo ay Chelsea si xun ugu garaacday.

Zinedine Zidane ayaa  la sheegay in uu iscasili doono, kana tegayo kooxdaas dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu sii hoggaamin doonaa afarta ciyaarood ee ka  hadhsan horyaalka LaLiga oo ay ku dagaallami doonaan in ay ku guuleystaan horyaalka oo ay fursad u haystaan si la mid ah Atletico Madrid iyo Barcelona.

Ciyaaryahanadda Actual Madrid ayaa uu warku sheegay in ay hayso cabsi weyn oo ah in ay waayayaan tababarahoodan guulaha badan la gaadhay sannado kooban oo uu la joogay Santiago Bernabeu.

Qolka lebbiska Actual Madrid ayaa lagu soo warramayaa in uu ka jiro dareen ah, in Zidane aanu sii ahaan doonin tababaraha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe, isla markaana uu kansali doono heshiiskiisa Los Blancos oo sannad ka hadhsan yahay.

Tiro ka mid ah ciyaartoyda waaweyn ee kooxda ayuu Zidane saluug weyn ku qabaa, waxaana u raacda in heerka uu doonayo aanay gaadhsiisnayn kooxdu oo uu hoos u dhac ku yimid iyadoo aan saxeexyo cusubna lagu soo kordin.

Warka ayaa intaa ku daray in Zidane uu dareemayo daal iyo cadho, sidaas darteedna uu kansalayo heshiiskiisa oo ku eg xagaaga 2022, uuna icasili doono bishan Could ee aynu ku jirto dhamaadkeeda.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan kusoo jirtay dhibaatooyin, waxaana ragaadiyey dhaawacyo iyo ciyaartoyda afka hore oo doorasho la’aan uu Zidane ka yahay.

Inkasta oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka ay kooxdu wanaagsanayd oo ay kusoo dhowaatay Atletico Madrid oo hoggaanka LaLiga laba dhibcood kaga haysa iyo Champions League oo ay semi-finalka yimaaddeen, haddana dareenka kooxda gudaheeda ayaan wanaagsanayn, waxaana jira saluug badan oo uu Zidane muujinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More