9 qof, oo ay ku jiraan 7 carruur ah, ayaa ku dhintey Muqdisho – Axadle
Muqdisho (Axadle) - Roobab mahiigaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Caasimadda Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool xaafado ka mid ah Caasimadda Muqdisho halka guryo badan ay dumeen.
Guri ku yaalla degmada Buula-hubey ee degmada Wadajir ayaa daadadku qaadeen, waxaana ku dhintay sagaal qof oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dhimashada carruurta ayaa dhacday kadib markii…