Maxaa Ka Jira In Jose Mourinho Shaqada Tottenham Looga Caydhiyay
Kooxda Tottenham ayaa si rasmi ah goor dhawayd u shaacisay inay xilka tababarenimo ee kooxdeeda ka xayuubisay tababaraha Portuguese-ka ah ee Jose Mourinho iyo dhammaan shaqaalihii tababarka ee ka hoos shaqaynayay.Spurs ayaa xilli ciyaareedkan dhibane usoo ahaa natiijo xumo iyagoo ka hadhay Europe League oo qaab fool xun looga reebay iyo horyaalka Premier League oo ay kaalinta 7-aad kaga jiraan kaddib 32 kulan oo ay soo ciyaartay.Kooxda waqooyiga London ayaa Axada kulan muhiim ah la balansan dhigeeda Manchester City oo ay…