Actual Madrid Oo Xaqiijisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Eden Hazard Oo Ay Ka

Kooxda kubadda cagta Actual Madrid ayaa go’aan ka gaadhay xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard, waxaanay hadda shaacisay qiimaha ay ku iibinayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda oo aad uga hooseeya midkii ay laba sannadood ka hor kaga soo gadatay Chelsea.

Laacibka reer Belgium ayey Actual Madrid sannadkii 2019 kusoo iibsatay lacag dhan £103.5 milyan oo Gini, laakiin waxa muuqata in si dhab ah ay ugu khasaartay sababtoo ah labada sannadoodba waxa uu inta ugu badan u jiifay dhaawac, halka inta uu caafimaadka qabay oo yarayd uu qaab ciyaareed liita la imanayay.

Kooxda reer Spain ayaa ka cadhootay ficil uu sameeyey Eden Hazard kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii Actual Madrid ay kaga hadhay semi-finalka Champions League oo ay Chelsea ku garaacday, markaas oo Hazard uu garoonka Stamford Bridge qosol iyo farxad kula wadaagay ciyaartoyda kooxdiisa hore.

Inkasta oo uu raalligelin ka bixiyey, haddana tallaabadan uu qaaday ayaa waxay dhaawac usii geysatay mustaqbalkiisa Madrid oo marka horeba niyad-jab ahaa.

Warbaahinta Spain ayaa waxay maanta sheegtay, in Actual Madrid ay go’aan kama dambays ah ka gaadhay Eden Hazard oo ay iibinayso xagaaga soo socda, iyadoo ciddii danaynaysana ku wargelisay qiimaha lagu iibinayo.

Warbaahinta Maraykanka ee ABC ayaa si gaar ah u dul-istaagtay qiimaha Hazard lagu iibinayo xagaaga, halka kuwa Spain ay iyaguna shaaciyeen go’aanka kooxda ee ah in uu laacibkani bixi doono.

Telefishanka ABC ayaa waxa uu sheegay in Actual Madrid ay go’aamisay qiimaha Hazard oo ay ka dhigtay £43 milyan oo Gini oo kaliya, taas oo kala-badh iyo ka badan ka hoosaysa qiimihii ay laba sannadood ka hor kusoo iibsatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More