AKHRISO: Shaxdii Ay Chelsea Ku Garaacday Actual Madrid Kulankii Iskugu

Semi-finalka Champions League ee ay ku kulmeen Actual Madrid iyo Chelsea, ma laha taariikho badan oo hore labada kooxood usoo dhex-maray oo la tixraaco, laakiin haddana saddex ciyaarood oo ay dheeleen ayaa saamayntooda lahaa.

Markii iskugu dambaysay ee ay wada ciyaareen waxay ahayd sannadkii 1998kii, iyagoo ku kulmay ciyaarta koobka ah ee Tremendous Cup, waxaana 1-0 ku badisay Chelsea oo koobkana ku guuleysatay.

Chelsea waxa kulankaas tababare u ahaa Gianluca Vialli oo usoo qaaday Cup Winners’ Cup xilli ciyaareedkii 1997-98 iyagoo finalkii kusoo garaacay Stuttgart, waxaana goolka libinta usoo dhaliyey Gianfranco Zola.

Actual Madrid ayaa iyaduna xilli ciyaareedkaas kusoo guuleysatay Champions League oo finalkii ay 1-0 ku garaacday Juventus, waxaana goolka madiga ah ee koobka ay ku qaadeen u dhaliyey Predrag Mijatovic.

Labada kooxood oo kala wata labadaas koob ayaa iska hor yimid, waxaanu koobkaas oo lagu ciyaaray garoonka Stade Luois II ee magaalada Monaco bishii August ee 1998kii, waxaana 1-0 ay guushu ku raacday Chelsea iyadoo goolka guushana uu u dhaliyey Gus Poyet oo daqiiqaddii 83aad goolka dhaliyey isagoo beddel kusoo galay.

Halkan kaga bogo shaxdii ay Chelsea kula ciyaartay Actual Madrid kulankaas:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More