Waxa si rasmi ah loosoo afjaray wareegga siddeeddda tartanka Europa League kaddib markii ay afar kooxood oo guuleystay ay iska xaadiriyeen semi-finalka.Manchester United, Arsenal, Villarreal iyo AS Roma ayaa guulo ay soo gaadheen caawa waxay iskaga xaadiriyeen semi-finalka, iyagoo soo garaacay Granada, Spartak Prague, Dynamo Zagreb iyo Ajax.Man United ayaa labadii ciyaaroodba kasoo badisay Granada, halka Arsenal ay xasuuq u geysatay Prague oo lugtii hore ku giijisay barbarro ay kula gashay Emirates. Sidoo kale ayay…