Diogo Jota Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Xilli CIyaareedka
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa jug weyni kasoo gaadhay xiddigaheeda, waxaana inta ka hadhay xilli ciyaareedkan dhaawac ku maqnaan doona weeraryahanka reer Portugal ee DIogo Jota, sida uu xaqiijiyey tababare Jurgen Klopp.24 jirkan ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka West Brom kaddib dhaawac kasoo gaadhay lugta, lamana filayo in uu soo laabto labada ciyaarood ee kale ee u hadhsan kooxdiisa.Jota oo la beddelay qaybtii dambe ee kulankii Manichester United ay Khamiistii ku garaaceen 4-2, isla markaana…